Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in la joojiyey Duullimaadyada Diyaaradaha ka kala yimaada dalalka Imaaraadka Carabta, Ethiopia iyo Vietnam laga bilaabo 11ka Fiidnimo ee habeen dambe.
Tallabadaasi ayaa looga hortagayaa nooca cusub ee Delta ee COVID-19 ee laga helay dalka Hindiya, kaasi oo haatan ku faafay ugu yaraan 85 Waddan.
Sacuudiga waxaa laga diiwaan geliyey in ka badan 49,000 oo qof oo laga helay COVID 19, iyadoo ay 7,850 qof u geeriyoodeen xanuunkaasi.