Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Nin kamid ah dadka deegaanka xaafada Warlaliska ee ka tirsan degmada Deyniile Gobolka Banaadir uu si arxan darro ah ugu dilay halkaas Wiil yar oo la sheegay inuu adeer u ahaa.
Dad tegay goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ay ku warrameen Ninka uu garaacis ku dilay Wiilka yar ee uu adeerka u ahaa, isla markaana uu qabay hooyada dhashay wiilka oo 5 sano jir ahaa.
Meydka Wiilka ayaa waxaa la tilmaamay inay ka muuqdeen Jir-dilo xoogan oo uu Ninkaas u geystay, isagoona si darran u garaacay, kadibna uu goobta ku geeriyooday, waxaana halkaas laga qaaday Meydka.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa si dhaqsi ah gacanta ugu dhigay Ninka dilay wiilka uu adeerka u ahaa, waxaana haatan ku socda baaritaano kala duwan oo ku aadan qaabka uu falkaas u dhacay.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ninka dilka geystay uu waardiye ama ilaaliye ka ahaa Garaash lagu xareeyo gaadiidka oo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Dadka deeganka Warlaliska Deyniile ayaa Caawa aad u hadal haaya dhacdadaan uu Ninka ku dilay Wiil yar oo 5 sanno ah uuna adeer u ahaa, waxaana siweyn uga naxay falka hooyada dhashay Wiilka iyo Ehelkiisa, iyadoona aan weli la ogeyn sababta ka dambeysay falka.