• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, June 18, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Sacuudiga oo dalbaday in la toogto shan kamid ah rag loo haysto dilkii Khashoggi

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 3, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Sida ay ku warramayso warbaahinta Sacuudigu maxkamadaynta 11 qof oo loo haysto dilkii Wariyihii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi, ayaa ka bilaabatay magaalada Riyadh, ee Caasimadda Sacuudiga.

Dacwad oogeyaasha ayaa codsaday in la toogto Shan qof oo kamid ah eedaysaneyaasha.

Khashoggi, ayaa ahaa haldoor deggan dalka Maraykanka oo dhaliili jiray Xukuumadda Sacuudiga, waxaana la dilay kadib markii uu galay qunsuliyadda uu Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul ee Turkiga, 2-dii bishii October.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegaya in lagu dilay wariyahaas hawlgal arxan darro ah oo ay fuliyeen dad loo soo diray in ay ninkaas kusoo celiyaan boqortooyada Sacuudiga.

Sacuudi Carabiya ayaa diidday codsi uga yimid Turkiga oo ahaa in ay usoo gacan galiso 18 qof oo la tuhunsanaa si loo maxkamadeeyo, kuwaas oo ay kujiraan 15 qof oo Turkigu uu sheegay in ay Istanbul usoo duuleen si ay dilka u fuliyaan.

Maxaan ka ognahay Maxkamadaynta?

Warbaahinta xukuumaddu ma aanay baahin wax aan ka ahayn macluumaad kooban oo ah in fadhigii maxkamadda dambiyada ee ugu horreeyey ee kiiskan ku saabsan uu bilowday, ayna joogaan qareenada u doodaya eedaysaneyaasha.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in codsiga ah in Turkigu uu keeno caddeemo la xiriira dadka uu doonayo in loo gacan gacaliyo aanan wali laga jawaabin.

War goor hore soo baxay ayaa lagu sheegay in 10 qof oo kale la baaray.

Majiraan wax magacyo ah oo la xiriira eedaysaneyaasha oo si rasmi ah loo baahiyey.

Bishii November, ayaa ku xigeenka dacwad oogaha guud Shalaan bin Rajih Shalaan waxa uu sheegay in baareyaashu ay ogaadeen in sarkaal Sirdoonka katirsan ah uu bxiyey amarka dilka Khashoggi, asagoo lagu muday irbad sun ah laguna dilay gudaha qunsuliyadda.

Wuxuuna intaas ku daray in sarkaal kaas loo xilsaaray in Wariyahaas mucaaradka ah uu kusoo celiyo Boqortooyada.

Sida uu sheegay Mr Shalaan, maydkii Khashoggi ayaa lagu jarjaray dhismaha gudihiisa, xubnihii jirkiisana waxaa loo dhiibay nin kamid ah dadka deegaanka oo hawsha wax ka ogaa kaas oo meelo kale kusoo aasay.

Wali lama hayo wax kamid ah haraagii maydkiisii.

Cid ma laga garanayaa eedaysaneyaasha?

Turkiga ayaa aqoonsday 15 nin oo la rumaysan yahay in ay ahaayeen rag uu sacuudigu soo dirsaday ayagoo imaanaya kana baxaya Garoonka diyaaraha ee Istanbul xilli u dhow markii dilku dhacay.

Hase ahaatee ma cadda in qof raggaas kamid ah uu kujiro kuwa lagu maxkamadaynayo Riyadh.

Halka nin ee aan maxkamadaynta kujirin waa Dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan, wiilka boqor Salmaan, ahna ninka sida dhabta ah xukuma Sacuudiga, kaas oo ay reer Galbeedku ku eedeeyeen in uu dilka ka dambeeyey.

Sida uu sheegay masuul Maraykan ah hawgalka noocaas oo kale ahna waxaa lagama maarmaan ah in Amiirku uu oggolaado.

Amiir Mohammed ayaa beeniyey in wax kaalin ah uu ku lahaa waxa uu ugu yeeray “Dil bahalnimo ah oo aan loo garaabi Karin”

Maraykanka ayaa cunaqabatayn saaray 17 kamid ah saraakiisha Sacuudiga, oo uu kamid yahay Saud al-Qahtani, oo la taliye hore u ahaa Dhaxal Sugaha kaas oo la sheegay “in uu qayb ka ahaa qorshaynta iyo fulinta hawgalka” hawlgalkaas oo horseeday dilkii Khashoggi.

Markale ma cadda in 17 kaas nin ay ku jiraa kuwa Sacuudigu uu maxkamadaynayo.

Previous Post

Sawirro:-Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo heshiis kala saxiixday

Next Post

Dhageyso:-Maamulka Isbitaalka Keysaneey oo ka hadlay Nin dhaawac ahaa oo lagu dhex dilay Isbitaalkaas

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed
Warar

Kulan Ka Mid Ah Golaha Shacabka oo U Baaqday Kooram La’aan Awgeed

June 16, 2025
Next Post

Dhageyso:-Maamulka Isbitaalka Keysaneey oo ka hadlay Nin dhaawac ahaa oo lagu dhex dilay Isbitaalkaas

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka maalintii labaad ee Gogosha Wadatashiga Qaran oo ka...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Shirka Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo uu shalay...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

by Ilhaan
June 17, 2025
0

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) iyo Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga ayaa maanta kala...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

by Ilhaan
June 17, 2025
0

 Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ahna Wasiirka Deegaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xildhibaan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
Warar

Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho
Warar

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay
Caalamka

G7 oo War-murtiyeed Cusub Ka Soo Saartay Bariga Dhexe, Trump oo Shirkii Ka Baxay

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign
English News

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
  • Soomaaliya iyo Turkiga oo Kala Saxiixday Heshiis Kalluumeysi iyo Dhaqaale Buluug ah
  • Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Muqdisho

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00