Hadal qoraal oo lagu soo daabacay Barta Twitterka ee ay Safaaradda Sacuudiga ee ku taalla Caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa lagu beeniyey in Shirkad laga leeyahay Yuhuudda la siiyey Qandaraas ay Qalab Elektoroonik ah kaga iibinayaan Dadka Xujeyda muddada lagu jiro Gudashadda Waajibaadka Xajka ee bishan Dul Xaj ee sannadkan 1437-da ee Taariikhda Hijiriyadda Islaamka.
Wargeyska Alahraam ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in Shirkad laga leeyahay Yuhuudda lala galay Qandaraas ay Jijiamada ama Gacan-gashiga Elektroonikadda (بأساور ) ama (Bracelet) kaga iibinayaan Xujeyda muddada lagu guda-jiro Gudashadda Waajibaadka Xajka ee haatan la guda-galayo.
Wargeyskaasi oo ku hadla Afka dowladda Masar ayaa qoray inay Warkaasi ka soo xigteen qaar ka mid ah Idaacadaha Yuhuudda
Safaaradda Sacuudiga waxay warka uu qoray Wargeyska Alahraam ku sheegtay mid Been Abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn, waayna ugu baaqday dhamaan Warbaahinadda inay la soo xiriiraan Waaxda Warfaafinta ee Safaaradda si loogu xaqiijiyo inuusan jirin Warka lagu daabacay Wargeyska Alahraam.
©Radio Dalsan