• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

RW Xamse oo ku dhawaaqay in SSC Khaatumo tahay Maamul Goboleed Rasmi ah

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 14, 2025
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
RW Xamse oo ku dhawaaqay in SSC Khaatumo tahay Maamul Goboleed Rasmi ah
17
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in SSC Khaatumo tahay Maamul Goboleed rasmi ah oo ka mid noqday Maamul Goboleedyada dalka, taasoo qeyb ka ah nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu jeediyay xalay, isaga oo ka qeyb galayay munaasabad si weyn loo agaasimay oo ka dhacday magaalada Laascaanood, halkaas oo uu booqasho taariikhi ah ku joogo isaga iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha SSC Khaatumo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka cusub. Ra’iisul Wasaare Xamse oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay madasha ayaa si cad u sheegay in SSC Khaatumo hadda tahay maamul rasmi ah oo hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in SSC Khaatumo tahay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo codkiisa si geesinimo leh u muujiyay.

Intaa kadib, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyay dadaalka shacabka deegaanka, isagoo sheegay in ay tusaale u yihiin sidii loo ilaaliyo midnimada qaranka.

“Waxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo ku daray, “Waxaa nasiib wanaag ah in Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi.”

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa booqashadiisa Laascaanood ku tilmaamay mid taariikhi ah oo xambaarsan farriin midnimo iyo xasillooni ah. Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ka baahi badan yihiin sidii nabad waarta iyo midnimo dhab ah loo heli lahaa.

“Booqashadan taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumeysa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli deegaanka SSC Khaatumo uu muddooyinkii u dambeeyay ku jiray dadaallo lagu dhisayo maamul u gaar ah oo si buuxda u matala shacabka deegaanka. Qaramada Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka ah ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay guul u soo hoyatay midnimada dalka.

Previous Post

Ciidanka Dowladda oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Wanlaweyn iyo Deegaanno kale

Next Post

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗦𝗖—𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗶𝗱 𝗿𝗮𝗯𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮”

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post
𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗦𝗖—𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗶𝗱 𝗿𝗮𝗯𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮”

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮: “𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗦𝗖—𝗞𝗵𝗮𝗮𝘁𝘂𝗺𝗼 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗶𝗱 𝗿𝗮𝗯𝗶𝘁𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮”

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00