RW Xamse Barre oo si kulul uga hadlay dad Shacab ah oo lagu laayay Gobolka Hiiraan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Hamza Abdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerar la sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo dagaallo xooggan la gala dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi laga laayay – isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor