Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerar ay ka gaysteen Gobolka Hiiraan

Al shabaab, ayaa ka hadlay dadka lagu laayey gobolka Hiiraan, iyagoo sheegay iney halkaasi ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Macawiisleeyda.

Waxey intaa ku dareen Al Shabaab, iney sidoo kale gubeen gawaari ka baxday magaalada Baladweyne, oo sida ay sheegeen u waday sahay iyo saanad maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Hase yeeshee, dadka deegaanka oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in Shabaab ay laayeen dad rayid ah.

Alshabaab ayaa waayadan ka waday hawlgallo gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Toddobaadkii hore, ayey weerareen Alshabaab tuulooyin katirsan Galgaduud iyo Mudug, iyagoo burburiyey xarumo isgaarsiineed iyo ceelasha biyaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor