RW Xamse Barre oo magacaabay xubno Cusub Wasiirro ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:

Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay:

Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday:

Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

  1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor