RW Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan xafiiskiisa kula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana kulanka ku weheliyay Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa uu o ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi, kuwaaasi oo muran aad u xooggani uu ka taagan yahay.

Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaashahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada Aqal ee gobollada Waqooyi.

Khilaafka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ahaa dhaaaanahan mid taagan, waxaana marba marka ka dameysa soo if baxayay kala fikir duwanaasho iyo khilaaf ku aaddan soo xulista Xildhabaanada ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor