RW Rooble oo War kasoo saaray geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulqadir Cali Diiriye oo loo yaqaanay Subxaanyo ayaa Maanta ku geeriyooday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Jeneraal Cabdulqaadir Cali uu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay, isla markaana xanuunkii haayay uu saakay ugu geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Cabdulqadir Cali Diiriye oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare ayaa tacsi u diray qoyska iyo Eheladii uu ka baxay Cabdulqadir Cali Diiriye, wuxuuna Marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa rug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo leh.

“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa rug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor