Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa barqanimadii Maanta gaaray inta badan Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoona halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulka ee tegay Baladweyne ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka Hiiraan, kan degmada iyo Mas’uuliyiin kala duwan.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa kulan hordhac ah la qaatay Xubnaha Golaha Wasiirada, kaasi oo ka dhacay Xarunta Maamulka.
Yuusuf Daba-geed ayaa Golaha Xukuumadda Maamulka kala hadlay Dardar-galinta howlaha shaqooyinka kala duwan ee horyaalla Golaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Hirshabeelle iyo Arrimo kale.
Maalinta berri oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Baladweyne lagu qabto Shirka Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabelle oo looga hadlayo Arrimo dhowr ah, iyadoona uu shir guddoomin doono Yuusuf Daba-geed.