Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika Mr. Keith Hansen iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Soomaaliya iyo kuwa qorsheysan.
Ra’iisul Waaaaraha ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageeradiisa hay’adaha dowladda iyo horumarinta midaamka maaliyadeed ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan waday kulamo kala duwan oo ku aaddan doorashooyinka dalka,isagoo kulmo la qaatay qaar ka mid ah Saaxiibada Beesha caalamka.