Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka waxa ay ugu yaraan argagixisada.
Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo shalay soo gaaray Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Mxamed Xuseen Rooble ayaa Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.
Dowladda Qatar ayaa dooneysa inay Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaalida u muujiso in aysan taageero u heyn Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, loona arko inay dhex dhexaad tahay.