RW Rooble oo Kismaayo kula kulmay Siyaasiyiinta Jubbaland ee Gedo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr oo la xariira xaaladaha siyaasadeed gaar ahaan arrimaha maamulka Jubbaland taas oo qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiisiinta Gedo.

Waxaana qayb ka ahaa kulan xubno ka tirsan siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo, kuwaasi oo RW Rooble kala hadlay tabashooyinka iyo waxyaabo kale oo ay ka tabanayaan habsami u socodka arrimaha doorashooyinka iyo arrima kale oo ku aaddan siyaasadda Guud ee Gobolkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay socdaal ku tegay Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana halkaas siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii RW Rooble uu ku sugnaa Kismaayo ayaa waxaa uu Kormeer ku sameeyay habsami u socodka howlaha dekadda & qeybaha ay ka kooban tahay, waxaana sidoo kale koemeerka qayb ka ahaa oo la socday RW Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin kale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor