Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa markii uu gaaray Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka waxaa kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana waxaa wafdigiisa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale.
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Magaalada Baydhabo ka furay Shir hadlayo Arrimaha Gargaarka,waxaana Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee ku sugan Hoolka Shirka uu ka socdo uu soo sheegayaa in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka uu jeedinayo Khudbad.
Sidoo kale shirka looga hadlayo Arrimaha Gargaarka ee ka socda Baydhabo ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax kala duwan iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.