Ruushka iyo Ukraine oo isdhaafsaday in ka badan 200 oo maxbuus

Ruushka iyo Ukraine ayaa isweydaarsaday in ka badan 200 oo maxaabiis dagaal ah maalinimadii Isniinta, sida laga soo xigtay masuuliyiin ka kala tirsan labada dhinac.

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in Ukraine ay sii daysay 106 askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka, halka agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine uu sheegay in Ruushkuna sii daayey 100 maxbuus oo ay hayeen.

Labada dhinac midna ma bixinin faahfaahin intaas ka baxsan, iyo weliba habka loola kala wareegay maxaabiista. Agaasimaha xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa ku sheegay barta Telegram, in qaar ka mida maxaabiista Ukraine ee la sii daayey inay qabaan dhaawacyo aad u xun iyo weliba xanuuno kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor