Wasiirka Amniga Somalia oo kulan la qaatay khuburo ka socday waaxda Hubka dalka Serbia

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay khuburo ka socday Waaxda Hubka iyo ka hortagga Dambiyadda Abaabulan ee Dalka Serbia.

Wasiir Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo Safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Khuburada Amniga iyo Dambiyada Abaabulan ee Wasaaradda Amniga Serbia iyo Shirkada Yugo Import oo Ay leedahay Dowladda Serbia Taas oo ku shaqo leh Dhoofinta iyo soo dajinta Hubka.

Kulankan waxaa Wasiir Doodishe ku wehlinayay Danjiraha JFS u qaabilsan dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Wasiirka ayaa khuburada kala hadlay sidii loo xoojin lahaa Tababarana loo siin lahaa howlwadeenadda ka shaqeeya Amniga iyo in khuburada Ay soo booqdaan Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor