Rooble oo kulan la yeeshay Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah kulan la qaatay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar hore Guddiyada kala hadlay diyaar garoowga ku aadan qabsoomida doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee maalmaha soo socda bilaabaneysa.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka taas oo ku  saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa Guddiyada doorashooyinka kula dardarmay inay dardargeliyaan howlaha doorashooyinka, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Senatorka dooran ee Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Si kastaba maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaan weli dhameystirin doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka, halka maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Gobolada Waqooyi ay dhameystireen doorashada Aqalka Sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor