Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday u diyaar garoowga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maalmo kooban ka harsan yihiin.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku boggaadisay sida uu u soo hoggaamiyay geedi socodka hannaanka doorashada dalka oo heer gaba-gabo maraya.
Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo 15-ka bishaan May 2022 Teendhada Afisyooni, waxaana tartanka doorashada isku diiwaan-geliyay 39 Musharax oo isku soo taagay xilka Madaxweynaha.