Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida ay ula xanuunsanayaan dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay roobabkii maalmihii tagay ka da’ayay Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay shirka banbaxa Golaha Wasiirrada ee maanta ka bilowday Muqdisho, ayaa faray Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Maamulka gobolka Banaadir maareynta dhibaatadii ka dhalatay roobabka, dadkana lala gaaro gurmadka ay u baahan yihiin.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaar in gurmadka ay qeybtooda ka qaataan.
Roobabkii ka da’ay Muqdisho ayaa saameyn xoogan u geystay Qoysas danyar ah oo kunool xaafaddo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo dad barakacayaal oo ku sugan xerooyin ku yaalla duleedka Muqdisho, kuwaasi oo guryahooda biyo farabadan galeen.