Roobab Dabeylo wata oo Puntland ka da’ay iyo dad ku dhintay

Roobab khasaare gaystey ayaa ka da’ay qaybo ka mid ah degaanada maamulka Puntland, Waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhawaac leh oo soo gaaray dad shacab ah.

Wararku waxaa ay sheegayan in Roobabka oo ahaa mahiigaan, dabeylana watay ay ka da’ayeen Degmada lagu magacaabo Rako Raaxo, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad xoola dhaqato ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in hal qof oo haweenay ah ay ku dhimatay roobabkaas, kadib markii ay Biriq ku dhacday Haweenayda, waxaana sidoo kale goob joogayaal ay inoo sheegen in Gaari ay ku dhacday Biriq kaasi oo xiligaas aysan jirin wax dad ah oo saarnaa, balse dhamaman gaariga iyo guryo ka agdhawaa ayaa bur-buray.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in ay jiraan xoolo farabadan oo roobab ku saameeyeen, waxaana dadka shacabka ee reer guuraaga ah ay dalbadeen in loosoo gurmado.

Wasaaradda Arrimaha deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa horay soo saartay Digniin Cusub oo ku socota dadka degan deegaanada Gobolada Bari iyo Sanaag, waxaana lagu wargeliyay roobab daadad wata oo halkaas ku wajahan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda deegaanka Beeraha ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolada Bari iyo Sanaag laga qabsi qabo inay ka da’aan  roobab sababi kara daadad xoogan, isla markaana daadadka ku rogmadaan deegaano ka tirsan Goboladaas.

Comments
Loading...