Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo R/Wasaare ku xigeenka oo ku biiray Shirka Muqdisho

Waxaa wali socda shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana haatan shirku uu yahay mid maraya meel xasaasi ah sida warar hoose ay sheegayaan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay shirka ku biireen mas’uuliyiin kale, kuwaas oo aan markii hore qayb ka ahayn shirka.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in shirka looga yeeray guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabriraxmaan iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ahna sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Mahadi Mxamed Guuleed Khadar.

Shirka oo la isla soo gaaray qaybihiisii ugu xasaasinaa ayaa keentay sida la sheegay in loo yeero labadaan mas’uul oo aan markii hore qayb ka ahayn shirka, lamana shaacin sababta keentay in Madaxda shirku u socday ay u yeeraan Guddoomiyaha Golah Shacabka iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Waxaana hadda qayb ka ah madaxda ku shiraya Villa Somalia labadaas mas’uul.

Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga hadlaya marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo, Waxaana mas’uuliyiintu ay si gaar u faaqidayaan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay qaaddeceen go’aanadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media