Raysulwasaaraha UK oo soo dhaweeyay in diyaaradah F-16 la siiyo Ukraine

Sunak hadda wuxuu ku soo laabtay arrimaha caalamiga ah – mawduuc uu u muuqdo mid aad ugu qanacsan.

Go’aanka Washington ay ku ogolaatay in xulafada ay Ukraine u soo diraan diyaaradaha F16 ee uu Mareykanka sameeyay waxay ahayd “mid aad loo soo dhaweynayo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Boqortooyada Midowday (UK) ma haysato wax diyaarado ah oo F16 ah, laakiin dhowr waddan oo Yurub ah ayaa haysta, oo ay ku jiraan Denmark iyo Netherlands – waxayna u baahan yihiin ogolaansho Washington si loogu ogolaado in loo isticmaalo meelo kale.

Diyaaradan casriga ah ayaa wax weyn ka tari doonta awooda ee Ukraine oo hadda haysato diyaarada hore oo xilligii Soofiyeedka la sameeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor