Axmed madoobe oo Dowladda Federaalka kala hadlay Fatahaadaha degaanada Jubbaland

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta hoyga uu muqdisho ka daganyahay waxa uu kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay Degmada Afmadow iyo xanuunada ka dhalan kara, iyo derdergalinta Arrimaha gargaarka deegaanada Jubaland, Sidoo kale waxaa kulankan  looga hadlay sida  loogu diyaar garoowi lahaa loona weeyneen lahaa Shirka Madasha Arimaha Bani Aadanimo ee Dalka (CHF) oo markan lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee Maamul Gobaleedka Jubaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor