Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in rasaas laga maqlayo Xaafado ka tirsan Magaaladaas taa soo aan la garaneyn cida ay u dhaxeysa.
Galbeedka Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Maxjarka Xoolaha ayaa laga maqlayaa rasaas u muuqata in ay laba dhinac isku ridayaan taa soo soo bilaabatay Gelinkii dambe ee Maanta ilaa iyo hadana la maqlayo.
Lama Oga cida ay u dhaxeysa rasaastaas balse goobta ayaa la sheegay in ay tahay goobi ay horay ugu wada dagaalameen Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug,waxana tani ay casbi gelisay Shacabka Magaalada Gaalkacyo.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland oo aan xiriir la sameynayna wa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan rasaasta Caawa laga maqlayo Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.