Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo maanta lala beegsaday baabuur ay leeyihiin Ciidamada milatariga Kenya.
Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada lagu magacaabo Gariley oo aan ka fogayn xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
Qaraxu waxa uu dhacay goor hore oo subax ah, waxaana la sheegay in askartii ku dhaawacantay weerarkaas loo duuliyey gurmad caafimaad oo dhanka Caasimadda dalka kenya ee Nairobi.
Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Intarnet-ka ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaas ay ku dilaan ilaa 9 ka tirsan ciidamada Milateriga dowladda kenya,balse Saraakiisha ciidamada kenya asyan weli ka hadlin qaraxaas iyo sheegashada Al-Shabaab.