Xisbiga ka taliya Turkiga ee AK Party ayaa la filayaa inay Shir aan caadi ah ka yeeshaan arrintaasi toddobaadyadda soo socda, si loo beddelo Ra’isul-wasaare Axmed Dafudoglu.
Shan Sarkaal oo ka tirsan Xisbigaasi ayaa u xaqiijiyey Wakaalladda Wararka REUTERS inuu jiro qorshahaasi, iyadoo ay xiisado ammaan-xumo ku soo kordheen dalkaasi.
Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan iyo Ra’isul-wasaaraha ayaa la sheegay inay ka dhex jirto Xiisad Siyaasadeed, waxaana sii kordhayo Dareenka ay dadka ka qabaan Labadaasi Hoggaamiye.
Labada Hoggaamiye waxay yeesheen kulan socday ilaa 2 saac iyo bar, balse waxay xal ka gaari waayeen Khilaafkooda.
Madaxweyne Erdogan ayaa qorsheynaya inuu Barlamaanka kala diro, isagoo doonaya inuu Gole Madaxtooyo lagu maamulo dalkaasi.
Xisbiga AK Party waxa uu dalka Turkiga hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2002-dii.
©Radio Dalsan