Ra’isul-wasaaraha Pakistan oo lagu soo oogay Eedeymo Musuq.

Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo Kiiskaasi, waxayna meesha ka saartay inay hayaan caddaymo ku markhaati-furayo Ra’isul-wasaare Nawaas Shariif kiiskaasi.

Maxkamadda ayaa maanta ku dhawaaqday Go’aankaasi, kadib, dhowr bilood oo la dhegeysanayey Kiiskaasi oo horey loogu daabacay Dukumentiyadda Panama Papers, iyadoo Madaxda Mucaaradka doonayaan in xilka laga qaado Nawaaz Shariif.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Imraan Khaan ayaa sheegay inay guul tahay Baaritaanka ay Maxakamddu amartay in lagu sameeyo Nawaaz Shariif.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media