Ciiddamo ka socda Koonfurta Kuurya oo ku soo wajahan Xeebaha Somalia.

Ciiddnka Badda ee dalkaasi ayaa la filyaa inay berrito Dhoolatus hal maalin ah ka sameeyaan Xeebaha Koonfureed ee  dalkaasi, tallaabo ay ugu diyaar-garoobayaan Hawlgal loogu soo dirayo Badda Somalia.

Dhoolatuskaasi waxaa ka qeyb galayo 350 Marinis, kuwaasi oo la socda Markbka Dagaalka ee wax burburiya ee Daejoyoung.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Badweynta ee dalkaasi yaa lagu sheegy inay Ciiddanka iyo Markabkooda bish soo socoto u soo shiraacan doonaan Xeebaha Somalia, si ay uga qeyb galaan Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda.

Ciiddankaasi waxay ku biiri doonaan Unug Maraakiibta Badda ee dalka Koonfurta Kuurya, kuwaasi oo Gacanka Cadmeed ku sugnaa tan iyo sannadkii 2009-kii.

Dhaqdhaqaaqyadda Burcad-baddeeda ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay laga dareemay Xeebaha Somalia, iyadoo bilihii March iyo April la weeraray ugu yaraan 5 Markab.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media