Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ethiopia, Axmed Shide waxa uu dhambaal uu u soo dhiibay Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed Ali u gudbiyey Amiirka dalka Kuwayt, Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Al-sabaax.
Wakaalladda Wararka Kuwayt ee KUNA ayaa sheegtay in Amiirka iyo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia kulan ku yeesheen Qasriga Amiirka ee ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kuawyt City.
Wakaalladu waxay kaloo sheegtay in Dhambaalka Abiy Ahmed uu diiradda saarayey xiriirka labada dal iyo qaababka loo sii xoojin karo.
Abiy Ahmed waxa uu Dhambaalkiisa ku gudbiyey Casuumaad uu u fidiyey Amiirka Kuwayt si uu booqasho rasmi ah ku tago Ethiopia.