Toban Badmaaxiin Turkish ayaa waxaa Waaberigii hore ee saakayto laga qafaashay Burcad-baddeed Hubeysan oo ku sugnaa meel ka baxsan Xeebaha Nigeria.
Shirkadda leh Markabkaasi oo lagu magacaabo Kadiyoglu Denizcilik ayaa sheegtay inay Markabkaasi la socdeen Badmaax, iyadoo 10 la qafaashay, halka ay 8 kalenay si nabad ah u dul saaran yihiin Markabka Xamuulka ee laga afduubtay Badmaaxinta.
Markabka Turkishka oo watay Calanka Turkishka lagu magacaabo Paksoy 1, ayaa la sheegay in lagu weeraray Gacanka Badda dalka Gini, xilli uu ka soo shiraacday dalka Kaamiruun, kuna sii jeeday dalka Ivory Coast, iyadoo uusan wax shixnad xamuul saarnayn.
Dhinaca kale, Afhayeenka Xisbiga ka taliya dalka Turkiga ee AK Party, Omar Celik waxa uu Suxufiyiinta ugu sheegay caasimadda dalkaasi inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Sirdoonka si dhow ula socdaan xaalladda Afduubka, wuxuuna ku baaqay in la sii daayo Badmaaxiinta oo bad-qaba.
Faahfaahin kale lagama bixinin halka lala aaday Badmaaxiinta Turkish-ka, mana kala cadda ujeedada Burcad-baddeedaasi inuu ku salaysan yahay Madax-furasho iyo in kale.