Ra’iisul Wasaarihii Maleesiya oo is Casilay iyo sababta keentay

Ra’iisel wasaaraha dalka Maleesiya Mahathir Mohamad ayaa ku dhawaaqay is casilaadiisa Isniinta maanta ah taas oo wadada u xaareysa suurta-galnimada ah in la soo dhiso xukuumad cusub.

Mr Mahathir ayaa ku sheegay bayaan laba-line ah in uu ku wargaliyay iscasilaadiisa boqorka wadankaas 1-da fiidnimo ee Kuala Lumpur waqtiga (0500 GMT).

“Warqadda iscasilaada ayaa loo diray boqorka saacadu markay ahayd 1dii habeenimo” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska ra’iisalwasaaraha.

Sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in xisbiga Mahathir, ee Pribumi Bersatu, uu ka tanaasulay isbahaysiga xukuumadda talada haysa, Pakatan Harapan.

Go’aanka Mahathir wuxuu daba socdaa isbuucyo  rabshado siyaasadeed ah oo kadhacayey wadankaas kadib markii la sheegay habeenimadii Axadda inuu xisbigiisu qorsheynayo inuu soo dhiso xukuumad cusub oo meesha ka saaraysa qofkii badeli lahaa mahatir oo ah Anwar Ibrahim.

Anwar iyo Mahathir waxay midoobeen ka hor doorashadii 2018 si ay u eryaan isbahaysiga ay maamuleysa bariga Nasisanal ee ay xukumayeen Barisan Nasional lix iyo toban sano, taasina waxay keentay guul lama filaan ah oo horseeday in laga tuuro Raiisel wasaaraha markaas jiray ee Najib Razak.

Laakiin xiisadda u dhexeysa labadooda isbaheysiga Pakatan Harapan (Isbahaysiga Rajada) ayaa sii kordhayay, iyadoo Mahathir uu ka horyimid dejinta jadwal cayiman si uu u sii wado ballanqaadkiisii ahaa inuu awoodda ku wareejiyo Anwar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media