Baarlamaanka Galmudug oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda 2020

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulkaas.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku-xigeen, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay inta badan Xildhibaanada.

Ajendaha kulanka  Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Miisaaniyadda Wasaarada Maaliyada Galmudug 2020, waxaana Xildhibaanada dood dheer kadib ay ansixiyeen Miisaaniyada Galmudug.

Miisaaniyada Maamulka Galmudug ee 2020 ayaa gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar), waxaana horey u soo ansixiyay Golaha Wasiirada maamulkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media