Ra’iisul Wasaare Xamse oo Talyaaniga kala hadlay taageerada ay siiyaan Dowladda Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya magaalada Muqdisho, Alberto Vecchi, waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay taageerada dowladda Talyaaniga, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha ayaa dhankiisa balan-qaaday sii xoojinta xiriirka labada waddan ee dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan mashaariicda ay ku taageeraan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa shalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirada dalalka Shiinaha iyo Ingiriiska, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga dalalkaas kala dhexeeya Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor