Ra’iisul Wasaare Xamse oo War kasoo saaray Qaraxii Jowhar ballan-qaadna sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay Qarax Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu weeraray Hotel ay degnaayeen Mas’uuliyiin.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa tacsi ugu diray guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, wuxuuna sidoo kalena telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweyne Cali  Guudlaawe ka xog-wareystay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay oo ay ka muuqdaan burbur baaxad leh oo qaraxu gaarsiiyay dhismaha Hotelka Nuur Doob iyo dhowr guryo oo ka agdhawaa Hotelkaas.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa u ballanqaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gobolka, gacanna ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay oo isugu jira Mas’uuliyiin  iyo dad shacab ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh ayaa ka dhashay Qarax Is-miidaamin ah ee Maanta lagu weeraray Hotelka lagu magacaabo Nuur Doob oo ku yaalla bartamaha Magaalada Jowhar.

Si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaado ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay kamid ah Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo Hotelka degan.

Sawirro laga soo qaaday Hotelka qaraxa lagu weeraray ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo uu geystay qaraxa, isla markaana waxaa dumay qeybo kamid ah dhismaha Hotelka iyo dhowr Guri oo ku yaalla aaga Hotelka Nuur Doob iyo dhismayaal goobo Ganacsi.

About Webmaster

View all posts by Webmaster