Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Axad ah magacaabay xubno ka tirsan cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiirrada Xukuumadda .
Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa warbaahinta u akhrisay Agaasime ku-xigeenka Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Nasra Bashir Ali.
Xubnaha Golaha Wasiiradda ee maanta la magacaabay ayaa kala ah
Axmed Macalin Fiqi oo horey u ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Xildhibaan Cali Xoosh ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, halka Gen Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Amniga oo muddo saddex bil ah Wasiir la’aan aheyd Wasaaradaasi.
Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan Warsame ayaa loo magacaabay Wasiirka tamarta iyo Biyaha iyo Xildhibaan Maxamed Aadan Macalim laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya.
Ugu dambey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Axmed Cumar Maxamed u magacaabay Wasiir dowlaha Wasaaradda Bay’ada iyo isbeddelka Cimilada.