Warar soo baxay ayaa sheegay inay socdaan Wada-xaajood lagu sii dayn doono 23 Badmaaxiin Reer Bangladesh oo afduub loogu haysto Xeebaha Somalia.
Maamulka Shirkadda SR Shipping Limited ee leh Markabka MV Abdullah ayaa rajo ka muujiyey Wada-xaajood ay la leeyihiin Burcad-baddeeda Soomaalida ee afduubka ku haysta Markabka MV Abdullah iyo Badmaaxiinta la socota.
Milkiilayaasha ayaa waxay u sheegeen Suxufiyiinta in horumar laga gaaray Wada-xaajoodkaasi, balse aan la filaynin in Badmaaxiinta dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo ka hor Ciiddul Fitriga.
Mizanul Islam oo La-Taliye dhanka Warbaahinta u ah Shirkadda leh Markabkaasi oo la hadlay Wargeyska Bangla Tribune ayaa tilmaamay in Kulanka ay la leeyihiin Burcad-baddeeda uu yahay mid miro-dhal ah.
Sidoo kale, Qoysaska Badmaaxiinta Afduubka loo haysto ayaa quudaraynayo sidii ay Badmaaxiinta u soo laaban lahaayeen ka hor Ciiddul Fitriga, si ay ula wadaagaan Farxada si wadajir ah.
23-ka Badmaax ee u dhashay dalka Bangladesh waxaa Markabkooda MV Abdullah laga qafaashay Xeebaha Somalia bishii la soo dhaafay ee March 4-dii, xilli uu Markabku ku sii jeeday Dekedda Al Hamriyah Port ee dalka Imaaraadka Carabta.
Markabkaasi oo waday Rar Shixnad Dhuxul oo dhan 58,000 oo Tan oo uu ka soo qaaday Dekedda Caasimadda dalka Mozambique ee Maputo waxa uu qorshuhu ahaa inuu Dekedda Al Hamriyah ku xirto bishii la soo dhaafay 19-dii.