Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo lagu soo dhaweeeyay Magaalada Addis Ababa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedka safarka Xamse, wuxuuna sheegay in Xamse uu Itoobiya uga qeyb geli doono shirka caalamiga ee Madasha Tana.

Wuxuu sheegay Afhayeen Farxaan in shirka looga hadli doono arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga Qaaradda Afrika, isagoo xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu khudbad ka jeedin doono shirka caalamiga ee Madasha Tana, ugana hadlayo xaaladda amniga dalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka  Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir,  Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La Taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor