Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa goor dhow u doortay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, siyaasiga Kurdiga ah ee Abdul Latif Rashid, taasi oo u gogol xaareysa dhismaha Dawlad cusub, isla markaana soo afjareysa sannad is mari waa ah.
Waxa uu bedelayaa Barham Saleh, oo u kaga guuleystay doorasho labo wareeg soo gaartay. Abdul Latif wuxuu helay 160 cod, halka Saleh uu helay 99 cod.
Madaxweynaha la doortay, Abdul Latif Rashid oo 78 jir ah ma aha nin ku cusub siyaasadda , wuxuu illaa saddex mar soo noqday Wasiir.
Waxaa kaloo uu u horey u ahaan jiray Afhayeenka ururka wadaniga ah ee Kurdistan (PUK) ee dalka Ingiriiska, isagoo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Manchester ee ku taalla dalka Ingiriiska.