Dhowr Qof oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Caasimadda Bangaladesh

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootay, boqolaal kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu qarax ka dhacay Dhismo ku yaalla Deegaanka MOGBAZAR ee duleedka Caasimada dalkaasi ee Dhaka.

Taliyaha Taliska Dhexe ee Boliska, Shafiiqul Islaam ayaa sheegay inuu Qaraxaasi burburiyey Dhismahaasi, wuxuuna xusay inuu qaraxaasi ka dhashay Haanta Gaaska cuntada lagu karsado.

Taliyuhu waxa uu xusay inay ugu yaraan 400 oo qof oo ay ku jiraan dad wadada marayey iyo kuwo la socday 2 Bas uu dhaawacyo ka soo gaaray Qaraxaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor