Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo safar ku yimid Muqdisho.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin Amniga deegaanada Maamulka Galmudug iyo la-dagaallanka Al-shabaab.
Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday Arrimaha dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala.
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay Xafiiskiisa iyo kulanka uu la qaatay ee looga hadlay qodobo dhowr ah…