Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada K/Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kula shiray Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Golaha Wasiirada Maamulka kala hadlay arrimo la xiriira wadashaqeynta dhexdooda ah iyo tan kala dhaxeysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu isaga hoggaamiyo.

Eng. Rooble ayaa xusay ahmiyadda ay dowladnimada u leedahay isku xirka hay’adaha iyo wada-shaqeynta dhexdooda, isagoo ku dhiirigeliyey in la sii adkeeyo iskaashiga dowladnimo dhisidda.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad wadashaqeyn wanaagsan yeelataan, iskana kaashataan howllaha muhiimka u ah dadka aad matashaan iyo tan guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waa in la xoojiyaa wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-gobolleed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku boorriyay Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed inay la shaqeeyaan guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed, Odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee arrintaas ka shaqeynaya, si loogu guuleysto qabashada doorasho hufan oo caddaalad ah ku dhacda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media