Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ahna siihayaha xilka ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guleed Khadar ayaa ka hadlay fal xanuun badan oo lagu laayay Culimmo degmada raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Waxaa uu tacsi u diray Mahdi Maxamed Guuleed eheladii iyo qarabadii ay ka bexeen macaliminta la la dilay, waxaana uu sheegay in ay tahay arrin aad u xanuun badan in Culimada oo ah indhaha abulshada la laayo.
Waxaa intaas uu ku daray in caddaaladda la hor gayn doono dadkii falkaas ka dambeeyay, waxaana uu sheegay in Culimmadu ay ka mid yihiin biri-mageydada loona baahan yahay in la dhowro.
“Aad baan uga xumahay dilka rag culimmo ah loogu geystay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka bexeen.Culimadu waa biri-mageydo ay reebban tahay in la waxyeelleeyo. kuwii falkan geystay waxaa la marin doonaa sharciga” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Falka ka dhaacy degmada raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ahaa mid la xariira aano qabiil, waxaana lagu dilay falkaas naxdinta leh lix Macalin.