Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Hir-shabeelle cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray Taliyaasha Ciidanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe in ay ku baxaan dhacdo xanuun badan oo saaaka ka dhacday Gobolka Shabeellaha dhexe.
Cali Guudlaawe Xuseen oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa ku amray inay dadkii ka dambeeyay falkaas waxashnimada ah in gacanta lagu soo dhigo, si cadaaladda loo horkeeno, waxaana Madaxweyne kuxigeenka uu tacsi u diray eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen dadkii saaka lagu dilay deegaan ka tirsan degmada Raage Ceelle.
Wararkii u dammbeeayay ayaa sheegaya in Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jen. Tareedishe iyo Taliyaha Qeybta Booliska Col. Xasan Dhicisow iyo Saraakiil kale ayaa ku baxay deegaankii dhibaatadu ka djacaday ee lagu dilay Macalimiinta.
Dhacdada oo ahayd mid aad u xanuun badan ayaa waxaa la sheegay in ay ahayd aano qabiil, iyadoo Culimada la laayay ay joogeen goob uu ka jiray Qur’aan saar, waxaana tirada Macalimiinta la dilay ay gaarysay shan macalin, balse tirada ayaa lix noqotay kadib markii mid ka mid macalimiinta uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.