Ardayda Soomaaliyeed oo fariisanaya imtixaanka qaranka

Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta qorshuhu yahay iney qaadan imtixaanadka mideysan ee qaranka ee dugsiyada sare.

Wasaarada Waxbarashada waxa ay sheegtay in dowlada ay goobo gaar ah u diyaarisay in lagu qaado imtixaanadka si ammaanka loo adkeeyo.

Waxa ay sido kale sheegtay wasaarada in Ardayda magaalada Beledweyne aysan ka qeyb qaadan doonin imtixaanka sababo la xiriira fatahaadaha magaalada ka jira iyo colaado halkasi ku soo laab laabtay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor