• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta golaha barlamaanka ka horjeediyey barnaamijka xukuumadiisa

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 9, 2015
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Page1

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta golaha barlamaanka ka horjeediyey barnaamijka xukuumadiisa

Muqdisho, 09, may, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid, oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa maanta hortagay golaha Baarlamaanka si uu uga horjeediyo barnaamijka xukuumadiisa, isaga oo faah-faahin ka bixiyey qorshayaasha horyaala xukuumadiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in arrimaha amniga ay xukuumadiisa mudnaanta kowaad ugu jirto, wuxuuna xusay in xukuumaddu diyaarsay dadaalo wax looga qabanayo amniga, kaas oo ay iska-kaashanayaan shacabka iyo dowladda.

“Amnigu waa ahamiydda koowbaad ee Xukuumadda; Haddii uusan amni jirin, dowladnimo ma jiri karto. Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, cadowga Al-Shabaab waxay muujiyeen ficilo waxashnimo ah, iyagoo laba jibbaaray gumaadka shacabka Soomaaliyeed. Waxaa socda tababar ay qaadanayaan ciidamo commandos ah kuwaas oo ka howlgali doona goobaha codowgu kaga sugan yihiin dalka. Tababarka iyo taakuleynta ciidankaas waxaan iska kaashanaya dowladda iyo saaxiibadeena caalamka” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey waxayaalah uga qabsoomay xukuumadda dhanka fadaraalaynta dalka iyo dhisida maamul goboleedyada.

“Federaaleynta dalka, waxaan ku faraxsanahay inuu furmay, isla markaana si habsami leh u socdo shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe. Shirkaas wuxuu magaalada Cadaado ka furmay 16-kii April, waxaa haatan heer gabogabo ah maraya xulista odayaasha dhaqanka ee beelaha, kuwaas oo iyana soo xuli doona ergo ansixisa dastuurka maamulkaas, kaddibna soo xuli doonta xildhibaannada baarlamaanka maamulkaas, kuwaas oo kaddibna dooran doona guddoon, madaxweyne iyo ku xigeenno” ayuu yiri RW Cumar

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulankii golaha wasiirada ee dhacay 07, May, 2015, ay ansixiyeen sadex guddi oo udub dhexaad u ah xaqiijinta higsiga 2016, waxaana gudiyadaas ka mid ahaa Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, Gudigaas oo looga fadhiyo inuu dalka u diyaariyo hannaan doorasho sanadka soo socda. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu Golaha Baarlamaanka ka codsaday inay guddiyada madaxa banaan si dhakhso ah u ansixiyaan, si waajibaadkooda shaqo ay durbadiiba u guda galaan.

Sidoo kale, Ra’iiusl Wasaaraha ayaa sheegay in qabyo tirka Dastuurka uu ka mid yahay waajibaadyada ugu waaweyn ee horyaalla Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. “Si aan u xaqiijinno waajibkaan, waxaan sameynnay Wasaaradda Dastuurka, oo masuuliyaddeeda koobaad ay tahay inay hoggaamiso sameynta dastuur dhammeystiran oo dadka Soomaaliyeed heshiis ku wada yihiin.
Wasaaradda oo garowsan culeyska waajibaadka horyaalla ayaa is-afgarad saddex geesood ah la saxiixatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dibu Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddiga Baarlamaanka ee Dibu Eegista Dastuurka. Is-afgaradkaas wuxuu saldhig u noqonayaa wada shaqeyn dhex marta saddexda hey’adood, oo dhammaantood ka shaqeeya qabyo-tirka dastuurka” ayuu yiri RW Cumar

Ugu danbayntii RW ayaa ka codsaday Golaha Shacabka iney dedajiyaan ansixinta shuruucda hortaala iyo gudiyada madaxa banaan oo xukuumaddu hada dhistay, si dalkaan loo gaarsiiyo iney ka dhacdo doorasho marka lagaaro Sept, 2016.

—-DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
[email protected]

 

IMG 3233IMG 3245

IMG 3272IMG 3277IMG 3299IMG 3320IMG 3342IMG 3349

Previous Post

Dhageyso: Warka Habeen ee Radio Dalsan 09-05-2015

Next Post

Dhageyso: Bar Madashada Barbaarta ee Radio Dalsan 09-05-2015

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
BBC
Caalamka

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

May 10, 2025
Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah
Warar

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

May 10, 2025
“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”
Warar

“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”

May 10, 2025
BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.
Bilan Media

BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.

May 10, 2025
Next Post

Dhageyso: Bar Madashada Barbaarta ee Radio Dalsan 09-05-2015

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia

by Dalsan Editor
May 10, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In what could be one of the most significant oil discoveries in recent East African history, Turkiye...

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadam, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka ee maanta ayaa baaqday, kaddib markii xildhibaannadu waayeen waddooyinkii ay ku tagi lahaayeen xarunta...

BBC

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

by Ilhaan
May 10, 2025
0

Horaantii toddobaadkan, Hindiya ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday sagaal goobood oo gudaha Pakistan ah, iyadoo jawaab uga dhigtay weerar...

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia
English News

Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas'uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
BBC
Caalamka

1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah
Warar

Roobkii Xalay Ka Da’ay Muqdisho oo Sababay Khasaaro Naf iyo Hanti ah

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran”
Warar

"Maraykanka oo Ka Soo Horjeestay Qodobadii Shirka Wadatashiga Qaran"

May 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Turkiye discovers 20 billion barrels of oil in Somalia
  • Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
  • Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
  • 1. Mascuud Azhar: Ninka Colaadda u Horseeday Hindiya iyo Pakistan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00