Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa Goordhow gaaray Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ayaa waxaa C/raxmaan C/Shakuur iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Xildhibaano, Wasiiro, xubno ka tirsan Maamulka Magaalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ujeedka C/raxmaan C/Shakuur ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan kula qaadan lahaa Madaxda ugu sarreeysa dowlad Goboleedka Galmudug iyo qeybaha Bulshada, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mucaarad ku ah siyaasadda dowladda Federaalka ayaa si weyn uga soo horjeeday doorashadii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, wallow markii dambe labada dhinac ay wada kulmeen.