Rag hubeysan oo joojiyay dhismihii ka socday Garoonka Diyaaradaha Baxdo

Wararka aan ka heleyno degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay joojiyeen guud ahaan dhismihii ka socday Garoonka diyaaradaha ee laga dhisayo degmada Baxdo ee Maamulka Galmudug

Ragga hubeysan oo Maleeshiyaad deegaanka ah ayaa la tilmaamay inay sheeganayaan milkiyada qeyb ka mida dhulka laga dhisayo Garoonka diyaaradaha, Baxdo, waxaana gabi ahaa istaagtay shaqadii ka socotay Garoonka.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa taagnaa muran la xiriira arrimaha dhulka,  waxayna taasi keentay iney hakad gasho shaqadii ka socotay Garoonka cusub ee laga doonayo in laga dhiso degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Maamulka degmada iyo kan Galmudug ayaan illaa iyo had aka hadlin joojinta lagu sameeyay dhismihii ka socday Garoonka diyaaradaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor