Shacabka Turkiga oo Maanta u dareeray Doorashada & Loollan Erdogan wajahayo

Dadweynaha Turkiga ayaa safaf dhaadheer ugalay  saaka saacadu markeey ahayd 08:00. Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha dalkaas ee xukumi doona 5-ta sano ee soo socota.

Doorashadaan oo ah mid aad uxiiso iyo xamaasad leh ayaa waxaa codod-kooda dhiiban doona 60 milyan 697 kun 843 codbixiye.

Xilka madaxweynenimada ayaa waxaa u tartamayaa 3 musharax oo kala ah madaxweynaha haatan talada haya Recep Tayyip Erdoğan, Sinan Oğan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka CHP, islamarkaana ah hogaamiye aad loo hadal haayo in uu doorasho adag lagalo madaxweyne Erdogan.

Madaxweyneha haatan talada haya Erdogan ayaa wajahaayo loolan adag iyadoo doorashadaan ay ka duwantahay doorashooyinkii hore ee dalkaasi ka dhici jiray marka laga eego sida ay umideesanyihiin kooxaha mucaaradka.

Doorashadaan oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashada ugu muhiimsan caalamka ee sanadkaan 2023, natiijadeedu waxay saameyn doontaa dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida sida ay qabaan qubarada wax saadaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor