Qalalaase hor leh ayaa dhexmaray booliska Israa’iil iyo shacabka Falastiini ah kaas oo ka dhacay masaajidka Al Aqsa ee ku yaalla Qudus ka hor qorshaha ku aadan dabaaldegga maalinta qarannimada oo ay xusayaan shacabka Israa’iil.
Dibadbaxyaasha ayaa dhagxaan ku gooyay afaafka hore ee saldhig boolis ah oo ku yaalla Qudus halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo, sida ay wararka sheegayaan.
Boqolaal Qof ayaa ku dhaawacantay, 6 Weriye iyo 50 Qof ayaa la dhigay Isbitaalada kadib markii ciidamada Israel ay Rasaas iyo Gaaska sunta ah ay dadkaan u adeegsadeen.
Waxaa laga cabsi qabaa in maanta ay mar kale halkaas ka dhacaan rabshado hor leh, Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganayeen oo daris la ah masaajidka.